Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka JFS oo kulamo mirro dhal ah la qaatay dhigiisa Dalka Norway

126
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Said Mohamed iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulamo mirro dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’dda socdaalka dalkaas.
Agaasimaha ayaa kala hadlay dhiggiisa Hay’adda Socdaalka ee dalka Norway (UDI), Frode Forfang, arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; xoojinta xiriirka labada hay’adood, kobcinta aqoonta saraakiisha iyo qalabeynta xarumaha HSJ Soomaaliya.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa dadaaal xoog leh ugu jirta sare u qaadista xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay hay’addaha dhiggeeda ah ee adduunka taas oo looga gol leeyahay in looga faa’iidaysto kobcinta xirfadda iyo aqoonta saraakiisha, dhismaha kaabayaasha HSJ iyo horumarinta hanaanka teknoolijiyadda ee adeeg bixinta hay’adda.