Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Jubbaland oo si rasmi ah u soo xiray shirka nabadda ee beelaha Degmada Luuq.

0
289
Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Jubbaland Mohamud Siyad Aadan oo wehlinayo Gudoomiyaha Doolow Mohamed Hussein Abdi lafeey oo si rasmi ah u soo xiray shirka nabadda ee beelaha Degmada Luuq.
Maanta ayaa si rasmi ah loo soo xiray Shirka Nabadda ee Beelaha Degmada Luuq ee Gobalka Gedo, kaas oo muddooyinkii u dambeeyey ka socday Degmada Doolow, isla markaana maanta laga gaaray is-afgarad, isu-soo dhowaansho iyo heshiis taariikhi ah.
Madaxweyne kuxigeenka waxa uu halkaa ka jeediyey hadalo isugu jiray dardaaran, duco iyo yididiilo oo xambaarsan nabad iyo walaalnimo, isaga oo ku booriyey beelaha reer Luuq in ay sii xoojiyaan midnimada, is-qaddarinta iyo ilaalinta nabadda oo uu ku tilmaamay tiirka ugu weyn ee jiritaanka Dowladda Jubbaland.
Gudoomiye Mohamed Hussein Abdi lafeey ayaa sidoo kale bogaadiyey haldoorka, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gobalka ee dhexda u xirtay in la gaaro nabad waarta, iyo cid kasta oo door muuqda ka qaatay gogosha nabadda, isaga oo ballan qaaday in ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta nabadda, wadajirka iyo horumarka bulshada Degmada Luuq iyo Guud ahaanba Gobolka Gedo.
Shirkan nabadeed ayaa lagu soo afmeeray jawi walaaltinimo iyo isu-soo-hilow, isaga oo noqday tusaale kale oo muujinaya sida ay Jubbaland ugu faanto xallinta khilaafaadkeeda taasi oo ku dhisan wada xaajood, isu tanaasul iyo garawshiiyo.
Sido kale waxaa loo mahadceliyay, ciidanka Amniga Doolow, Dowladda Itoobiyo iyo Gudoomiyaha Guddiga dib u heeshiisinta Beelaha walaalaha ah ee Degmada Luuq Mudane Abdullahi Abdille Magan Bood iyo Maamulka Degmada Doolow.