Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo Goobjoog u Ahaa Dhaarinta Guddiga Nabadda Degmada Luuq, Kuna Baaqay Midnimo iyo Nabad Waarta

0
267

Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Jubbaland mudane Maxamad Sayid Aadan, oo u weheliyo Gudoomiye Mohamed Hussein Abdi lafeey ayaa goobjoog u ahaa dhaarinta Guddiga Nabada ee Degmada Luuq.

Madaxweyne kuxigeenka oo halkaa ka jeediyey hadalo isugu jiray dardaaran iyo duco oo xambaarsan nabad iyo walaalnimo, isaga oo ku booriyey Guddiga in ay sii xoojiyaan midnimada, is-qaddarinta iyo ilaalinta nabadda oo uu ku tilmaamay tiirka ugu weyn ee jiritaanka reer Gedo iyo guud ahaan Jubbaland.

Gudoomiye Lafeey ayaa xusuusiyay Nabadoonnada, cuqaasha iyo wax garadka beelaha iyo Guddiga Nabada ciqaabaha Alle iyo dib u dhaca ka dhalankara daadashada dhiigga muslimka, isaga ku dhiirri galiyay in ay ka shaqeeyaan sidii heshiis dhab ah looga gaaril ahaa dhibaatooyinkii dhacay.

Kulanka waxaa ka qeybgalay xildhibaano katirsan Barlamaanka Soomaaliya, wasiiro hore, Maamulka Gobalka Gedo iyo odayaasha dhaqanka.