Madaxweyne hore Shariif Sheikh Axmed oo kismaayo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay

0
273

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo.

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa hormuud ka ahaa soo dhoweynta wafdiga, Soo gaaraya iyadoona ay qeeb ka yihiin Bulshada kismaayo oo safaf dhaadheer ugu jira soo dhaweenta madaxda.
Madaxweynihii hore ee Dalka Shariif Sheeq Axmed iyo wafdigiisa ayaa imaatinkoodu wuxuu kusoo beegmaya xilli magaalada Kismaayo ay martigelinayso Shirka Golaha Samatabixinta Soomaaliya, kaas oo la filayo inuu galabta si rasmi ah uga furmo magaalada.
Shirkaasi ayaa ah mid muhiim u ah jihaynta arrimaha siyaasadda dalka, islamarkaana lagu falanqeynayo xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan caqabadaha siyaasadeed, amni iyo doorashooyin.
Shirka Golaha Samatabixinta Soomaaliya waxaa ka qeybgalaya hoggaamiyeyaasha mucaaradka, madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, Madaxweyne hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, siyaasiyiin, iyo xubno kale oo miisaan ku leh masraxa siyaasadda dalka, kuwaas oo u kulmaya sidii ay uga wada tashan lahaayeen mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo talooyin lagu sixi karo hannaanka siyaasadeed ee haatan jira.
Mas’uuliyiinta shirka ka qeybgalaya ayaa la filayaa inay soo saaraan go’aanno iyo warmurtiyeed ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka, doorka mucaaradka, iyo aragti mideysan oo wax looga qabanayo caqabadaha horyaalla dowladnimada Soomaaliya.
Magaalada Kismaayo ayaa inta uu shirka socdo martigelin doonta wafdi ballaaran, iyadoo ammaanka guud ee magaalada si weyn loo adkeeyay, si loo xaqiijiyo nabadgelyada ka qeybgalayaasha iyo habsami u socodka shirka.