
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay tababar ku saabsan ka hortagga iyo xakamaynta cudurka Ebola, kaas oo loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha xarumaha caafimaadka degmada Kismaayo iyo deegaanada hoos yimaada.
Tababarka waxaa goob-joog ka ahaa Isku-duwaha Caafimaadka Degmada Kismaayo, Maxamed Sheekh Aadan, iyo madaxa Dabagalka Cudurrada Dr. Farah Mukhtar.
Ujeeddada tababarka ayaa ahayd kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka ee ku aaddan aqoonsiga calaamadaha Ebola, maaraynta xaaladaha looga shakiyo iyo ka hortagga faafitaanka cudurka.
Wasaaradda Caafimaadka Jubaland ayaa wada dadaallo lagu xoojinayo diyaar-garowga shaqaalaha caafimaadka si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada loogana jawaabo xaaladaha degdegga ah ee caafimaad.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







