
Ciidamada amniga ee Daraawiishta Jubbaland ee magaalada Qooqaani ayaa qaaday howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga, kuwaas oo ka dhacay deegaannada ku dhow magaalada.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo xasilloonida iyo ka hortagga dhaq-dhaqaaqyada kooxaha nabad-diidka ah.
Taliyaha amniga deegaanka Qooqaani, Col. Mahamuud Aadan Xasan (Gaaboow), ayaa hoggaaminayay hawlgalladan oo si qorsheysan uga dhacay jihooyin kala duwan.
Taliyaha amniga Magaalada Qooqaani ayaa sheegay in ujeedada Howlgaladan ay tahay in la adkeeyo amniga iyo in bulshada amnigooda la xaqiijiyo ee ku safra wadooyinka Qooqaani ka baxa iyo kuwa soo gala, gaar ahaan meelaha ay ku dhuumaaleeysanayaan kooxaha Khawaarijta ah ee caadeetay in ay Shacabka dhibaateeyaan.
Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay wadaan hawlgallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







