Guddoomiyaha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa xarigga ka jaray dhismaha wado muhiim u ah isku socodka dadka iyo Gadiidka

0
220
Guddoomiyaha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Daahir Muxumed Nuur ayaa  si rasmi ah xarigga uga jaray waddada aada xaafadda Xerokoobaad, oo dhinaca galbeed ka xigta magaalada. Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb galay Cusman Xasan Cabdi, iskuduwaha mashruuca ka soo kabashada xasaradaha (SCRP) ee Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland Liibaan Mohamed, injineerka mashruuca SCRP ee Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo Adan Hilowle Adan, iskuduwaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Jubaland ee Gobolka Gedo.
Waddadan oo si casri ah loo dhisay ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo isu-socodka bulshada, iyadoo si weyn ay wax uga tari doonta adeegyada bulshada iyo koboca ganacsiga Magaalada.
Dhismaha waddadan waxaa maalgeliyay Bangiga Adduunka (World Bank), iyada oo mashruuca ay si wadajir ah u hirgelinayaan Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorsheynta ee heer Federaal iyo wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubaland
Cusman Xasan Cabdi oo ah isku-duwaha mashruuca kasoo kabashada xasaradaha (SCRP) ee wasarada qorsheynta Jubaland iyo Adan Hilowle Adan iskuduwaha Wasarada Howlaha Guud iyo Guryeynta Jubbaland Ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in mashruucani uu ka mid yahay mashaariicda ay dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah iska kaashanayaan si dib loogu dhiso deegaanada ay xasaraduhu saameeyeen.
Waxaana ay hoosta ka xariiqeen in waddadani ay wax weyn ka beddelayso nolosha dadka ku nool si guud Degmada Luuq iyo Deegaanada Kuxeeran.
Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Degmada Luuq, Daahir Muxumed Nuur, aya u mahadceliyay dhammaan cid kasta oo door ka qaadatay dhismaha waddadan, gaar ahaan Bangiga Adduunka (World Bank) oo maalgeliyey mashruuca, iyo Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorsheynta ee heer Federaalka iyo wasaaradda Qorsheynta Dowladda Jubaland oo iska kaashaday hirgelinta mashruucaan