Gudiga Joogtada ah ee golaha wakiilada Dowalada Jubbaland ayaa meelmariyey Xeerka maaraynta arimaha dhulka Jubbaland

0
274
Gudiga Joogtada ah ee golaha wakiilada Dowalada Jubbaland ayaa meelmariyey Xeerka maaraynta arimaha dhulka Jubbaland.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud iyo guriyeynta Jubbaland Cabdiwahaab Axmed Cismaan oo manta hortagay Gudiga joogtada ah ee golaha wakiilada Jubbaland ayaa sheegay in xeerka maaraynta arimaha dhulka ee isbeddel wayn ku samaynaayo hanaanka lahaanshaha arimaha dhulalka iyo horumarinta magaalooyinka iyo waddooyinka.
Wasiirka ayaa u mahadceliyey gudiga joogtada ah ee Golaha wakiilada Jubbaland iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay meelmarinta xeerka maaraynta arimaha dhulka Jubbaland.