Shirweynaha 8-aad ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryellka Bulshada Dowladda Jubbaland oo si rasmi ah loogu qabtay magaalada Kismaayo.

0
195
Shirweynaha 8-aad ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryellka Bulshada Dowladda Jubbaland oo si rasmi ah loogu qabtay magaalada Kismaayo.
Waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha wakiilada jubaland wasiiirka wasaraada Caafimaadka Jubaland ismail Ahmed Garas, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno, wafuud ka socota Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada kale, iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Ururka da Bulshada rayidka qeybahooda kala duwan saraakiisha wasaaradaha heerarkooda kala duwan iyo wakiilada hay’adaha bahwadaagta la ah wasaaradda Cafimadka Jubbaland.
Shirkan oo socon doono muddo 3 maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa qiimeynta iyo dib u eegista tayada adeegyada caafimaadka Jubbaland sanadka dhamaana ya, xoojinta qorshayaasha horumarineed, iyo sidii loo heli lahaa adeeg caafimaad oo tayo leh sanadka so socdo hadii alle idmo.
Wasiirka Caafimaadka Jubbaland, Ismaaciil Axmed Garas, ayaa soo bandhigay warbixin sannadle ah oo ku saabsan waxqabadka wasaaradda, caqabadaha taagan, iyo qorsheyaasha mustaqbalka.
Mas’uuliyiinta ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda shirka iyo doorka uu ka qaadan karo horumarinta adeegyada caafimaadka ee gobolka iyo dalka intiisa kale.
Gudoomiyaha Golaha wakiilada Dowladda Jubaland Mudane SheikhCadi oo so rasmi ah u daahfuray shirka ayaaa ugu mahadceliyay dhaman bahda caafimaadka dadaalkooda ku aadan gaarsiinta adeeg Caafimaad oo tayeesan Bulshada ku dhaqan degaanada jubaland.