Booliiska Gobolka Nugaal oo gubay Khamri & Xashiish ay kusoo qabteen howlgal ay sameeyeen.

431

Gobolka Nugaal waxaa maanta lagu gubay Kartoomo Khamri ah & Xashiish aan lasoo bandhigin inta Kiilo uu dhan yahay oo lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen Ciidamada ammaanka DG Puntland gaar ahaan Booliiska.

Taliska qaybta Booliiska Gobolka Nugaal, Taliyaha Booliiska Gobolkaas & Xeer ilaaliyaha Ciidamada DG Puntland ayaa goobjoog ka ahaa goobta lagu gubay Khamrigaan iyo Xashiishka si aanay bulshada ugu gudbin.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay kordhiyeen baarista la xiriirta in ay gacanta ku dhigaan Khamriga & Xashiishka oo dhibaato ku ah Bulshada.

Ciidamada ammaanka DG Puntland ayaa kordhiyay howlgallada lagu baarayo xaafadaha, goobaha lagu iibiyo walxaha maanka dooriya iyo Gawaarida kaddib markii dhowr jeer ay qabteen Khamri & walxaha kale ee maanka-dooriya.