Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland oo kismaayo ku qabatay kulan cilmiyeed

0
122
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland ayaa  magaalada Kismaayo ku qabatay mowduuc cilmiyeed si heer sare ah loo soo agaasimay, oo cinwaankiisu ahaa Ruuxda Sharciga: Isku-xirka Shareecada, Xeerka Dhaqanka iyo Qaanuunka Dowladda ee Dhismaha Nidaamka Caddaaladda Soomaaliya.
Mowduucan waxaa soo jeediyay xeeldheere sharci yaqaan ah Saalim Saciid Saalim, oo si qoto dheer u falanqeyay kaalinta ay mid waliba ku leedahay hanaanka caddaaladda dalka.
Kulankan dadweyne waxaa ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan ardayda qaanuunka, bahda caddaaladda, iyo guud ahaan daneeyaasha arrimaha sharciga. Sidoo kale, waxaa goobta joogay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha Jubaland, garsooriyaal ka socday dowladda federaalka iyo kuwa Jubaland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubaland, Mudane Cabdullaahi Cabdiqaadir Aadan Qaanuni, oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyey ka qaybgalayaasha, isaga oo xusay in Wasaaraddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo fahamka iyo wacyiga bulshada ee nidaamka caddaaladda.