
Wasiirka wasaaradda qorsheynta maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa Casha sharafeed u sameeyay gorsoore Cumar Cabdiqaadir Carte oo maalmo ka hor soo gaare Magaaladda Kismaayo
Martiqaadka waxaa kasoo qayb galay wasiiro xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda si ay qayb uga noqdaan soo dhaweenta diiran ee la sameeyay garsoore Cumar Cabqaadir Carte,
Kulanka ayaa la is weydaarsaday sheekooyin iyo isbarasho, waxayna masuuliyiinta u muujiyeen kalgaceyl iyo soo dhaween aad u weyn
Wasiir Cabdiraxmaan Cabdi axmed oo ahaa masuulka kulanka so qaban qaabiyay ayaa garsoore Cumar Carte kula dar daarmay inuu sii laba jibaaro dadaalkiisa kuna amaaney sumcadda uu u keenay dalkiisa hooyo ee soomaaliya, sidaa darteed uu ka mid yahay astaamaha dalka







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







