
Magaalada Kismaayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan, oo dhawaan ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha Ugu Wanaagsan Afrika.
Garsoore Cartan ayaa casuumada rasmi ah ka helay xariirka kubadda cagta Jubbaland.
Soo dhoweynta ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Jubaland, Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubaland, iyo xubno ka tirsan bahda ciyaaraha ee maamulka.
Mas’uuliyiinta ayaa uga mahadceliyay Cartan guusha uu u horseeday magaca Soomaaliyeed, iyo doorka uu ku leeyahay horumarinta garsoorka iyo kubadda cagta dalka.
Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa dhawaan ku guulaystay garsoorihii ugu wanaagsanaa qaarada africa kadib dadaal iyo xirfad uu muujiyay oo uu ku mutaystay.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







