
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Xuseen Baraki oo uu wehliyo Madaxa Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Arrimaha Bin-aadantinimada ee Afrika, Dr. Yasid Cabdalla Xaamud ayaa kormeer ku tagay xarunta mashruuca weyn ee biyo galinta magaalada Kismaayo ee deegaanka yoontooy.
Wasirka waxaa Boqashadan Kuweheliyay oo kale Qeybo kamid ah Golaha wasiirada Jubbaland sida wasirka waxbarashada wasirka Gargarka iyo Wasirka qorshaynta iyo qaybo kamid ah agaasimayasha Guud ee Wasaradaha Jubbaland.
Mashruucan ayaa biyo nadiif oo laga soo jiiday wabiga Jubba gaarsiin doona in ka badan labo milyan oo qof, iyadoo markiiba uu soo saarayo biyo dhan shan iyo toban kun oo meter cubic, taas oo dabooli doonta baahiyaha dhinaca biyaha ee magaalada Kismaayo iyo deegaannada ku xeeran ee gobolka Jubbada Hoose.
In ka badan sodon sano kahor ayeey dowladii dhexe ee dalka hirgalisay mashruucan, iyadoo dib hadda ay u howlgalinayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jubbaland.















