
Ciidamada Dowladda Jubbaland oo Howlgallo Ka Fuliyay Deegaanka Lafo-gari ku soo qabtay Horjooge sare oo ka tirsan Khawaarijta
Howlgal si xirfad leh loo qorsheeyay ayaa ciidamada dowladda Jubbaland ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan Macalin Maxamed, oo ah hoggaamiye caan ah oo ka tirsan kooxo argagixiso, kana howlgala maxkamad been abuur ah oo ka jirta deegaanka Lafo-gari, oo hoos tagta degmada Dhoobley.
Howlgalka, oo si heer sare ah loo fuliyay, ayaa sidoo kale sababay in la dilo afar xubnood oo ka tirsan Maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ku lug lahaa falal argagixiso oo ka dhacay gobolka.
Geesinimada iyo xirfadda ciidamada Jubbaland ayaa xaqiijisay guusha howlgalka, taasoo muujinaysa go’aan adag oo dowladda uga go’an tahay in ay ka saarto kooxaha argagixisada ee deegaanka ka hawlgala.
Qabashada Macalin Maxamed waxay tahay tallaabo weyn oo lagu wajahayo fiditaanka argagixisada iyo dib u soo celinta nabadda iyo xasiloonida gobolka.