
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq iyo Madaxa Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Arrimaha Bin-aadantinimada ee Afrika, Dr. Yasid Cabdalla Xaamud ayaa maanta ka dhagax dhigay deegaanka Luglow/Halgan ee duleedka magaalada Kismaayo mashruuca dhismaha 200 guri oo ay wehelayaan adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.
Hay’adda Tadamun ayaa fulinaysa mashruucan, ayadoo taageero dhaqaale ka heleysa Boqortooyada Sucuudiga.
Wasiirka Gargaarka Jubaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq oo ka hadlayey munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca, ayaa sheegay in mashruucan uu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee dalka Soomaaliya laga hirgeliyo, isla markaana uu wax weyn ka tari doono dib u dejinta dadka ku barakacay fatahaadaha.
Mashruucan guryeynta xalka waara ah waxa uu ka mid yahay dadaallada istaraatiijiga ah iyo ujeedooyinka Siyaasadda Guriyeynta Dowladda Jubbaland, oo diiradda saaraya in dadka barakacayaasha ah loo helo deegaan waara, guryo ammaan ah, iyo adeegyo aasaasi ah oo u adkaysan kara isbeddelka cimilada.















