
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed (Handal), ayaa faahfaahin buuxda ka bixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2026, taas oo uu horgeeyay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Jubaland.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in miisaaniyadda guud ee sanadka 2026 ay tahay $69,413,730.43, taas oo ka kooban dakhliga gudaha ee ay maamusho Khasnadda Dowladda (Own Source Revenue) iyo dakhli ka baxsan Khasnadda Dowladda.
Dakhliga gudaha ee Khasnadda Dowladda Jubaland sanadka 2026 wuxuu gaarayaa $40,221,502.30, wuxuuna kasoo xaroodaa dhammaan gobollada iyo degmooyinka Jubaland.
Waxaa jira koror dhan 15.41% marka loo eego miisaaniyadda sanadka 2025, taas oo muujinaysa koboc dhaqaale iyo horumar ku yimid maamulka dakhliga gudaha.
Mashaariicda uu soo mariyo Bankiga Adduunka Khasnadda Dhexe ee Dowladda Jubaland waxay sanadka 2026 noqonayaan $28,922,228.13.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







