Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Jubbaland oo furay kulanka La-tashiga Bulshada iyo Warbixinta Amniga

0
216
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Jubbaland, Mudane Xareed Kilas Cabdi, ayaa si rasmi ah u furay kulanka La-tashiga Bulshada iyo Warbixinta Amniga (Community Consultations & Security Snapshot Workshop) oo manta ka dhacay magaalada Kismaayo.
Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Amniga Jubbaland, islamarkaana ay ka taageereyso Wasaarada Hay’adda Horumarinta UNDP, ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu soo bandhigo xog-ururin ku saabsan amniga bulshada, laguna helo talo iyo aragti mideysan oo ka timaadda qaybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland.
Kulanka maanta la furay ayaa ka mid ah dadaallada joogtada ah ee Wsaaradu ku doonayso inay ku dhisto amni waara, isla markaana kor loogu qaado ka qaybgalka bulshada ee go’aamada amniga.