Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Kismaayo oo La Kulmay Wafdi ka Socday hay’ada GIZ

0
266
Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Kismaayo ayaa  kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday hay’adda GIZ.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar-gelin lahaa mashruuca ay sida wadajirka ah u wadaan Dowladda Hoose ee Dagmada Kismaayo iyo hay’adda GIZ, kaas oo lagu magacaabo SEPOW Project.
Mashruucan SEPOW ayaa ujeeddadiisu tahay taageeridda bulshada danyarta ah, gaar ahaan qoysaska Ultra-poor-ka, iyadoo xooga la saarayo kor u qaadista noloshooda.