Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo Soo Xirtay Tababar Nadaafadeed oo Ka Dhacay Luglow

0
205
Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, oo uu hoggaaminayo Madaxa Wacyigelinta iyo Horumarinta Caafimaadka, Mudane Isxaaq Bashiir Cabdi ayaa si rasmi ah u soo xiray tababar afar maalmood socday oo ku saabsanaa ilaalinta nadaafadda, dayactirka iyo shaqaynta musqulaha, kaasi oo ka dhacay deegaanka Luglow ee waqooyiga magaalada Kismaayo.
Tababarkan ayaa qayb ka ah mashruuca Wadaagga Dadweynaha iyo Ganacsiga (PPPs), kaas oo lagu doonayo in bulshada si tartiib tartiib ah looga gudbiyo ku-tiirsanaanta hay’adaha dibadda loona jihaysto isku filnaansho iyo ka qaybgal toos ah oo ay dadku ku hormarinayaan adeegyada nadaafadda iyo fayadhowrka.
Tababarka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray: Ilaalinta nadaafadda deegaanka,
Dayactirka iyo nadiifinta musqulaha, Kahortagga cudurrada ka dhasha wasakheynta,
Kordhinta wacyiga bulshada ee la xiriira fayadhowrka.
Waxaa bixisay Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland iyadoo kaashanaysa hay’adda UNICEF, waxaana ka faa’iideystay dhallinyaro iyo xubno ka tirsan bulshada deegaanka Luglow, kuwaas oo si firfircoon uga qayb qaatay barnaamijka.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa bulshada kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaallada nadaafadeed, si loo yareeyo khatarta cudurrada faafa loona xaqiijiyo deegaan nadiif ah oo caafimaad qaba.