Wafdi Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka Socda Jubbaland oo Kormeer Shaqo ku tagay Deegaanka Janna-Cabdalle

0
250
Wafdi Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka Socda Jubbaland oo Kormeer Shaqo ku tagay Deegaanka Janna-Cabdalle
Wafdi ballaaran oo ka kooban Wasiiro, Agaasimayaal Guud, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Kismaayo ahna Xoghayaha Dawladda Hoose ayaa  gaaray deegaanka Janna-Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ujeedka safarka ayaa ahaa kormeer shaqo oo ay ku ogaanayeen xaaladaha adeegyada bulshada, amniga iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanka. Mas’uuliyiinta ayaa halkaasi kula kulmay maamulka deegaanka iyo bulshada, iyagoo ka dhagaystay baahiyaha jira iyo caqabadaha u baahan in wax laga qabto.