
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulan muhiim ah oo lagu ansixinayey Qorshaha Horumarinta Shanta Sano ee Soo Socota ee Degmada Kismaayo. Qorshahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo maamul wanaagga, kor loogu qaadayo adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka ah ee degmada.
Kulanka ansixinta waxaa goob joog ahaa Madaxa Xasilinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Gobolka Jubbada Hoose, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo, qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee Jubbaland iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay madasha.
Intii uu socday kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha, oo ay ka mid yihiin Xoojinta amniga iyo xasillinta, Kor u qaadista adeegyada bulshada,Horumarinta dhaqaalaha deegaanka, iyo Tayaynta maamulada hoose,iyo taageeridda hab-nololeedka bulshada.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







