Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland oo maanta u fadhiisatay dhageysiga koowaad eedeysane loo haysto kiis dil ah.

0
172

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowlad Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhageysiga koowaad ee kiis ciqaabeed oo loo haysto eedeysane Aadan Cabdulqaadir Idiris, kaas oo lagu eedeeyay dil bareer ah falal la xiriira burcadnimo iyo kooxaha Khawaarijta uu xariir la leeyihiin oo uu ka iibsaday qori ay dowlddu lahyeed.

eedeysanaha ayaa lagu eedeeyay in uu si bareer ah u dilay Marxuum Cabdullaahi Cali Cumar bishii Maarso ee sanadkan 2024′ falal Burcadnimo iibisashada qori ay dowladdu lahayd, iyo inuu xiriir la lahaa kooxo Khawaarij.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland, oo guddoominayay fadhiga dhageysiga, isagoo akhriyay eedaha loo haysto Aadan Cabdulqaadir Idiris’ Kadibna waxaa fursad la siiyay eedeysanaha si uu uga jawaabo eedahaas.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ayaa dhankooda akhriyay eedo loo haysto eedaysanaha waxaan ay sheegeen in ay hayaan caddeymo dhameystiran oo ay soo bandhigi doonaan marka la gaaro fadhiga xiga.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa su’aalo weydiiyay ehelada eedeysanaha si loo helo xog dheeri ah oo ku saabsan asalka iyo dhaqanka eedeysanaha.

Fadhigii maanta ayaa kusoo idlaaday iyadoo Guddoomiyuhu uu sheegay in dhageysiga kiiska uu sii socon doono.