Xildhibaan Xasan Yare oo Kormeeray qaar kamid ah Iskuulada Degmada Dhoobley

0
196
Xildhibaan Hon. Xasan Cabdi Xasan Yare ayaa booqday qaar ka mid ah iskuulada waxbarashada ee degmada Dhoobley, halkaas oo uu maalmahan u joogay hawlo shaqo.
Ardayda, macallimiinta iyo maamulada iskuulada uu booqday ayaa si diirran u soo dhaweeyay xildhibaanka, Isagoo ardayda ku dhiirrigeliyay inay ku dadaalaan waxbarashada, wuxuu xusay in ay tahay jidka keliya ee lagu gaari karo horumar iyo nolol wanaagsan.
Sidoo kale, Xildhibaan Xasan Yare ayaa kulamo gaar ah la qaatay maamulada iskuulada, isagoo ka dhagaystay baahiyaha iyo caqabadaha horyaalla dugsiyada, si loo helo xalal waara oo kor loogu qaado tayada waxbarashada degmada.
Ugu dambayntii, xildhibaanku wuxuu kormeeray qaar ka mid ah iskuulo cusub oo dhismayaashoodu marayaan heer gabagabo ah, sida Iskuulka Hoose, Dhexe iyo Sare ee Gabdhaha, Iskuulka Hoose iyo Dhexe ee Danwadaag, iyo Iskuulka Hoose ee Midnimo. Iskuulladan cusub ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaataan kor u qaadista heerka waxbarasho ee degmada Dhoobley.