
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay munaasabad lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Cudurka Dabaysha (Polio), taasoo si weyn looga xuso caalamka sanad kasta.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jubaland Mudane Ismaaciil Axmed Garas, Xildhibaan Shire Maxamed Cabdi (Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Jubaland), Agaasimayaal waaxeedyo ka tirsan wasaaradda, ururka dhaqaatiirta Jubaland iyo wakiillo ka socday hay’adaha caafimaad ee la shaqeeya wasaaradda
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay muhiimadda la dagaallanka cudurka dabaysha (Polio), iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada lagu ciribtirayo cudurkan khatarta ku ah carruurta da’da yar.
Wasiirka Caafimaadka Jubaland Mudane Ismaaciil Axmed Garas oo ka hadlay madasha, ayaa carabka ku adkeeyay in wasaaraddu ay dadaallo xoog leh ku bixinayso ciribtirka cudurka dabaysha, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la gaaro dhammaan carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano, gaar ahaan kuwa ku nool meelaha fog fog.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







