Dowladda Hoose ee Kismaayo oo bilaawday olole ballaaran lagu nadiifinayo Biyo Mareennada wadooyinka magalada.

0
238

Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa si habsami leh u waddo howlaha nadiifinta biyo-mareennada magaalada, iyadoo ujeeddadu tahay in laga hortago fatahaadaha iyo in la hagaajiyo nadaafadda guud ee magaalada.

Shaqaalaha nadaafadda ee dowladda hoose ayaa si joogto ah ugu hawlan nadiifinta iyo furista marinada biyo-mareennada, gaar ahaan meelaha ay biyo fariistaan ama ay xirmaan.

Nadiifinta ayaa si ballaaran uga socda xaafado badan oo magaalada ah, waxaana lagu arkayaa shaqaalaha oo adeegsanaya qalab iyo gaadiid loogu talagalay hawshaas.

Agaasimaha Waaxda Deegaanka, Mudane Cabdifataax Aadan Cabdullaahi, iyo Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada, Mudane Farxaan Maxamuud Faarax, ayaa sheegay in nadiifinta biyo-mareennadu ay qayb muhiim ah ka tahay qorshaha lagu ilaalinayo bilicda iyo nadaafadda magaalada,
Agaasimayaasha ayaa Waxay ku booriyeen shacabka in aanay qashinka ku shubin biyo-mareennada, si aanay mar kale u xirmiin.

Howshan nadiifinta ah ayaa la filayaa inay wax weyn ka tari doonto hagaajinta deegaanka iyo ka hortagga biyaha fariista marka ay roobabku da’aan.