
Wasaaradda Amniga Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulanka isdhexgalka booliska iyo bulshada, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta wada shaqeynta booliska bulshada si loo dhiso kalsooni iyo iskaashi amni oo waara.
Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Jubbaland, Mudane Maxamad Cabdi Kaliil, qaar ka mid ah shaaalaha waaxyaha wasaaradda, saraakiisha ciidamada booliska degmada Kismaayo, ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland, ururrada naafada, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jubbaland, Mudane Maxamad Cabdi Kaliil, oo kulanka si rasmi ah u daahfuray, ayaa ku booriyay xoojinta wada shaqeynta iyo is fahamka u dhexeeya bulshada iyo booliska, isagoo xusay in kulamada noocan oo kale ah ay qayb muhiim ah ka yihiin dadaallada wasaaraddu ugu jirto adkeynta amniga iyo ilaalinta nabadda.
Wasiiru dowluhu waxa uu intaas ku daray in wasaaraddu ay qorsheyneyso in kulamada isdhexgalka noocan oo kale ah la sii ballaariyo, si kor loogu qaado ka qeybqaadashada bulshada ee arrimaha amniga.
Ugu dambeyn, kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland ay ku xoojinayso wada shaqeynta booliska iyo bulshada, taas oo lagu doonayo in lagu gaaro amniga, xasilloonida iyo horumarka degaannada Jubbaland







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







