
Kulankan waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Culimo kala duwan oo matalayay gobollada Jubbaland, bulshada rayidka ah, iyo marti-sharaf kale.
Shirweynahan oo ah mid sanadle ah ayaa diiradda lagu saaray horumarinta dacwada Islaamka ee Jubbaland, guulaha laga gaaray fidinta dacwada, iyo qorshayaasha hortabinta u leh Wasaaradda. Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay aragtiyo iyo talooyin lagu xoojinayo doorka Culimada ee bulshada dhexdeeda.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







