
Guddoomiyaha degmada Afmadow ahna duqa magaalada, Cabdiraxmaan Macallin Cali (Xaaji Maaji), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hay’adaha WFP iyo UNHAS, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Guddoomiyaha oo ay wehelinayeen maamulka degmada, saraakiisha amniga, iyo wakiillo ka socday hay’adaha ka howlgala deegaanka ayaa wafdiga kula kulmay xarunta dowladda hoose ee degmada Afmadow.
Kulankan oo dhinacyo badan taabanayay ayaa diiradda lagu saaray sidii degmada Afmadow u heli lahayd garoon diyaaradeed, si ay hay’adaha gargaarka iyo duulimaadyada kale ugu fududaato inay yimaadaan xilliyada ay jiraan xaalado degdeg ah, taas oo gacan ka geysan doonta daboolidda baahiyaha bulshada.
Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha bini’aadantinimo ee ka jira deegaanka, iyo sidii loo kordhin lahaa kaalmooyinka iyo taakulaynta ay hay’adda WFP siiso dadka nugul ee ku nool degmada.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







