Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Qaramada Midoobay kala hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo qorshaha guracan ee Villa Soomaaliya

0
228
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, oo ku sugan gobolka Gedo, ayaa qadka fogaan-aragga kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta deegaanada Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, taasoo ka dhalatay qorshaha guracan ee Villa Soomaaliya ka waddo gobolka Gedo, sida burburinta amniga gobolka, xayiraadda garoomada diyaaradaha, iyo joojinta mashaariicdii iyo adeegyadii bulshada ee gobolka ka socday.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday arrimaha dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee muddo dheer ay dhibaato ka dhex jirtay degmada Luuq ee gobolka Gedo. Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu warbixin dheer ka siiyey mas’uuliyiinta xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya dhibaatooyinka ka dhashay iyo cawaaqib xumada ka imaan karta haddii aan si degdeg ah looga hortagin kooxda Villa Soomaaliya iyo ficillada ay ka waddo Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo.
Waxa uu tilmaamay in kooxdaasi meesha ka saartay dastuurkii ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay, kaasoo ku dhisnaa nidaamka federaalka.
Waxaa la isla gartay in arrimaha dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee degmada Luuq la dardar-geliyo, iyadoo bisha gudahood gogol nabadeed la iskugu imaan doono, halkaas oo Xafiiska Qaramada Midoobay uu gacan ka siin doono Dowladda Jubbaland.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubbaland waxa uu ugu baaqay waxgaradka reer Jubbaland inay ka hortagaan qorshaha guracan ee kooxda Muqdisho, isaga oo hoosta ka xarriiqay in shakhsiyaad yar oo dano gaar ah leh aysan go’aamin karin masiirka shacabka gobolka Gedo.