
Ciidanka daraawishata dowladda Jubbaland gaar ahaan guutada labaad Ururkeda sadexaad oo uu hogaaminaayo Cali Xasan Aadan ( Cali yare ) ayaa howlgal ka fuliyay deegaanka yaaq dabeel oo kamid ah keemaha howdka ah ee Khawaarijtu ay ku dhuumaaleysanayeen.
Howlgaalka Ciidanka daraawishata jubbaland Ayaa galay maalintii sedaxaad oo xiriir ah iyadona ciidanku ay cagta mariyeen goobo khawaarijta ay ku dhuumaaleysanayen.
Halyeeyada Dowlada Jubbaland ayaa Malmahan dhowr jaho oo gobolka Jubada hoose ah ka wada Howlgalo khawaariijta looga saarayo.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







