Wasiir Ku-xigeenka Amniga dowladda Jubbaland oo sagootiyey lataliyihii hore ee UNPOL

0
237
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Gen. Aadan Axmed Xaaji, ayaa  xafiiskiisa ku qabtay kulan muhiim ah oo isugu jiray soo dhaweyn iyo sagootin loogu sameeyay lataliyeyaasha UNPOL.
Kulankan ayaa lagu sagootiyey Lataliyihii hore ee UNPOL, Marwo Bebe Faliya, oo muddo la soo shaqaynaysay Wasaaradda Amniga gudaha Jubbaland, iyadoo lagu amaanay doorkii iyo dedaalkii ay ku bixisay xoojinta awoodda hay’adaha amniga iyo iskaashiga caalamiga ah.
Sidoo kale waxaa lagu soo dhaweeyey Lataliyaha cusub ee UNPOL, Mr. Luke Kyala Ngesa, oo lagu soo dhaweeyey jawi diirran, waxaana laga filayaa inuu door muuqda ka qaato horumarinta qorshayaasha iyo hawlaha wadajirka ah ee u dhexeeya Wasaaradda Amniga Jubbaland iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera.