
Ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland gaar ahaan Guutada Labaad ayaa maanta qaaday howlgal ballaaran oo saddex-geesood ah oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalkan oo ahaa mid sifayn ah ayaa waxaa si guud u hoggaaminayay Taliyaha Guutada Labaad ee Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, G/Sare Maxamuud Cabdi Cilmooge. Ciidankii koowaad oo uu hoggaaminayay G/Sare Ciilmooge ayaa weerar culus ku qaaday fariisimihii Khawaarijta ee ku yaallay aagga Libaaxley iyo Barjala gobalka Jubbada hoose
Halka ciidankii labaad oo uu hoggaaminayay Abaanduulaha Guutada Labaad C/llaahi Cabdi Abukar ay gudaha u galeen keemaha howdka ah ee Jubbada Hoose si ay halkaasi uga sifeeyaan Khawaarijta.
Dhanka kale, ciidankii saddexaad oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ururka Labaad ee Daraawiishta Cali Xasan Aadan ayaa howlgal ka fuliyay deegaanka Orgiiyow oo kamid ah meelaha Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen.
Dagaalkan ayaa ciidamada Daraawiishta Jubbaland gaar ahaan Guutada Labaad guulo waaweyn ka gaareen, waxaana lagu dilay ugu yaraan 12 xubnood oo Khawaarij ah, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal sar-sare.
Ciidanka Daraawiishta dowlada Jubbaland ayaa weli ku sugan goobihii lagu dagaallamay, iyagoo baadi-goobaya xubnaha kale ee Khawaarijta ee ka cararay dagaalka.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







