
Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Aaminaadda Biyaha (Water Sector Trust Fund), Mudane Willis Ombai.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga labada dhinac, kor u qaadista fursadaha wada-shaqeynta, iyo wadaagista aqoonta iyo khibradaha la xiriira horumarinta biyaha. Waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray iskaashiga dhanka farsamada, dhisidda awoodda shaqaalaha, iyo hirgelinta mashaariic wadajir ah oo bulshada wax tar u leh.
Ugu dambeyn, Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Jubaland ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha iyo kooxdiisa soo dhoweynta diirran iyo wadahadalladii miro-dhalka ahaa, isagoo xusay in kulankani yahay astaan muujinaysa xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta mustaqbalka, si loo gaaro horumar waara oo dhinaca biyaha ah.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






