Tababar Hogaamineed iyo Qorsheyn oo Loo Qabtay Saraakiisha Booliska Jubbaland

0
159

Dhobley – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Xareed Kilaas Cabdi, ayaa  si rasmi ah u daahfuray tababar muhiim ah oo loogu talagalay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Jubbaland.

Tababarkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa Hoggaaminta, Maamulka iyo Qorsheynta, waxaana ujeedkiisu yahay in lagu kobciyo xirfadaha iyo kartida saraakiisha si ay ugu adeegaan bulshada si hufan oo waxtar leh, isla markaana si wax ku ool ah uga jawaabaan baahiyaha amniga.

Agaasimaha Guud oo furitaanka ka hadlay ayaa hoosta ka xarriiqay in hoggaamin iyo qorsheyn cad ay yihiin laf-dhabarta guusha ciidamada, isagoo xusay in saraakiisha tababarka qaadanaya ay door weyn ka ciyaari doonaan xoojinta nabadda, sugidda amniga iyo dhisidda kalsoonida shacabka.