Dowladda Jubbaland oo saldhig Boliisa ka hirgalisay Deegaanka Baarsanguuni

0
236

Ku-simaha Taliyaha, ahna Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID) ee Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Kabtan Cumar Xujaale Cabdi, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Jubbada Hoose, Mudane Muuse Maxamed Sheekh, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo, iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray saldhig cusub oo laga hirgeliyey deegaanka Baarsanguuni ee Degmada Jamaame.

Saldhiggan ayaa lagu dhisay qaab iskutashi ah, taas oo ka tarjumaysa dadaalka Taliska Ciidanka Booliska. Deegaanka Baarsanguuni waxa uu leeyahay muhiimad istaraatiiji ah, waxaana saldhiggan cusub lagu tilmaamay inuu gacan weyn ka geysan doono sugidda amniga, fududeynta nolosha bulshada, iyo xoojinta iskaashiga ciidamada iyo shacabka.

Kabtan Cumar Xujaale Cabdi ayaa, gabagabadii munaasabadda, bulshada deegaanka ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga, isla markaana meel looga soo wada jeesto khataraha ay kooxaha argagixisada ahi ku hayaan deegaanka, si loo xaqiijiyo amni, horumar iyo nolol waarta.