Wasaaradaha Amniga iyo Caddaaladda Dawladda Jubaland oo Doolow ku qabatay kullanka bilaha ah ee Madasha Furan ee Amniga iyo Caddaaladda

0
256
Wasaaradaha Amniga iyo Caddaaladda Dawladda Jubaland ayaa  si wadajir ah Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo ugu qabtay kulankii afaraad ee madasha furan ee billaha ah. Madashan ayaa ah hannaan wadatashi bulsho ku dhisan oo lagu dhiirrigeliyo iskaashi iyo kalsooni dhex marta bulshada rayidka iyo hay’adaha caddaaladda iyo amniga.
Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka degmada Doolow, Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Guddoomiyaha Ururka Haweenka degmada, iyo wakiillo ka socday qaybaha bulshada oo ay ka mid yihiin odayaasha dhaqanka, Booliska, dhalinyarada, haweenka, culimada iyo bulshada rayidka guud ahaan.
Madashu waxay noqotay fursad lagu kobciyo wada-shaqeynta iyo is-aaminaadda bulshada iyo hay’adaha dowladeed, iyadoo bulshada la siiyay fursad ay ku soo bandhigaan su’aalahooda, cabashooyinkooda iyo talooyin ku saabsan arrimaha amniga iyo caddaaladda. Kulanku waxa uu sare u qaaday kalsoonida iyo wada-shaqeynta labada dhinac, taasoo gundhig u noqonaysa dowlad wanaag iyo xasilooni waarta.