Wasiirka Warfaafinta dowladda Jubbaland oo Ka Jawaabay Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

0
281

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdifatax Maxamed Mukhtaar, ayaa qoraal furan uga jawaabay hadal uu dhowaan jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre. Wasiirku wuxuu sheegay in Jubbaland ay xaq u leedahay inay ka tashato masiirkeeda siyaasadeed iyo dastuurkeeda, si waafaqsan nidaamka federaalka dalka.

Wasiirka ayaa caddeeyay in fariintiisu aysan ahayn mid muran iyo khilaaf abuureysa, balse ay tahay mid ku dhisan ixtiraam iyo waddaniyad, loona jeediyay in xal iyo is-afgarad lagu wajaho tabashooyinka jira.

Qoraalka wasiirka ayaa lagu sheegay in Jubbaland tahay dowlad xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya, isla markaana dastuurka federaalka iyo kan Jubbalandba ay si cad u siinayaan xaqa ay u leedahay furista iyo wax ka beddelka dastuurkeeda. Wuxuu tusaale u soo qaatay beddelkii hore ee lagu sameeyay dastuurka Jubbaland oo oggolaanayay in Madaxweynaha Jubbaland mar kale isu sharaxi karo xilka, taas oo uu ku tilmaamay xuquuq sharci ah oo aan la dafiri karin.

Dhanka amniga, wasiirka ayaa qiray in ciidamo federaal ah ay joogeen magaalooyinka Kismaayo, Dhoobley, Ceelwaaq iyo gobolka Gedo, balse joogitaankoodu uu ku dhisnaa heshiis hore loo wada gaaray. Si kastaba, wuxuu ku eedeeyay ciidankii loo diray deegaanka Kaambooni inay geysteen rabshado sababay khasaare naf iyo maalba leh, isla markaana barakac ku keenay dad rayid ah. Waxa uu sidoo kale xusay dhacdadii Baladxaawo, halkaas oo askari diyaarado lagu keenay uu sababay khasaare culus oo naf iyo maalba ah, kuna qasbay qoysas Soomaaliyeed barakac.

Sidoo kale, wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay in muddadii uu xilka hayay Ra’iisul Wasaaraha ay jireen xannibaadyo la saaray diyaaradaha ka degi jiray garoomada Jubbaland, taas oo culays xooggan ku noqotay bulshada, gaar ahaan bukaannada u baahnaa safarro caafimaad. Waxa uu intaas ku daray in dowladda federaalka ay cunaqabateyn ku saartay deegaano Jubbaland ka tirsan, iyadoo laga jaray mashaariic muhiim ah, halka ciidamo loo diray dhul nabad ah oo ay ahayd in lagu dhiirrigeliyo horumar iyo adeegyo dowladeed.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa ku adkeystay in Soomaaliya tahay dal federaal ah, Jubbalandna ay xaq u leedahay inay dhowrto dastuurkeeda iyo go’aannada sharciyeysan ee ay gaarto. Wuxuu carabka ku adkeeyay in xuquuqdaas dastuuriga ah la dhowro, si loo helo wada shaqeyn iyo dowladnimo adag oo ka tarjumeysa rabitaanka shacabka.

“Gacanta aad goyn weydo waa la dhunkadaa,” ayuu wasiirku ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa, isagoo muujiyay in wada noolaanshaha sharci iyo nidaam uu ka wanaagsan yahay sharci-darro iyo kala shaki.