
Magaalada Kismaayo ayaa lagu qabtay shir ballaaran oo ay yeesheen Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Jubbaland, Maamulka Degmada Kismaayo, Maamulka Dekedda iyo Taliska Ciidanka Booliska Jubbaland.
Shirka ayaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin,Gawaarida albaabkoodu u furamo dhanka laamiga, kuwaas oo halis ku ah shacabka marka ay ka degayaan, Gawaarida duuga ah ee dekada gudaha magaalada iyo hareeraheeda ka shaqeeya, kuwaas oo burbur xooggan ku haya laamiyada cusub ee magaalada laga hirgeliyay.
Kulanka waxaa guddoomiyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland, Mudane Maxamed Cabdi Salaad,Waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Kismaayo Mudane Cumar Farawayne, Maareeyaha Dekedda Kismaayo Mudane Axmed Xaaji, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Saacid Cabdullaahi Macallin, Ku-simaha Taliyaha Qaybta ahna Taliyaha CID-da, Taliyaha Nabadgelyada Waddooyinka, iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda.
Intii uu socday shirka, waxaa lagu soo bandhigay talooyin iyo qorshayaal lagu xallinayo caqabadaha gaadiidka, Sidoo kale, waxaa lagu adkeeyay muhiimadda ilaalinta iyo maamulka wadooyinka si loo hubiyo badqabka shacabka, lana xoojiyo horumarinta magaalada Kismaayo.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







