Wasiirrada Beeraha, Xoolaha iyo Howlaha Guud oo kormeeray mashaariic muhiim ah oo ka socda gobolka Jubbada Hoose

0
215

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlada Jubaland mudane Geelle Muxumed Aadan oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka Buulo-bartire ee waqooyiga magaalada Kismaayo oo ay kasocdaan mashaariic muhiim ah.

Wabiga Jubba oo mara meel aan ka fogeyn deegaanka Buulo-bartire waxaa kasocda hirgalinta mashruuc wabiga biyo looga soo qaadayo laguna geynayo dhanka waqooyi galbeed ee deegaanka si ay uga faa’ideystaan dadka kunool deegaanada dhaca waqooyiga magaalada Kismaayo.

Mashruucan oo ay wadajir uga shaqeenayaan Wasaaradaha Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha waxa uu noqonayaa mid kamida mashaariicda wax badan ka badali doona nolosha dadka dhawaan dib u dajinta loo sameeyay, waana mid ay uga faa’ideysan doonaan dhanka Beeraha iyo Xoolaha.