Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Jubbaland oo Shir Guddoomiyay Kulan Looga Hadlayay Amniga Garoonka Kismaayo”

0
371
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Dowladda Jubaland, Mudane Saacid Cabdullaahi Macalin, ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee guddiga amniga garoonka Sayid Mohamed Abdulle Airport ee magaalada Kismaayo.
Kulankan oo ka dhacay garoonka sayid Maxamed Cabdulle Airport Waxaa goob-joog ahaa,Taliyaha Amniga Garoonka, agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dowladda Jubaland, agaasimaha Waaxda Duulista Hawada,Ku-simaha Maareeyaha Garoonka,Guddoomiyaha Shirkadaha Diyaaradaha
Madaxa Kastamka ee Garoonka,agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista iyo Madaxa shirkadda safari aviation service(SAS)
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda uu leeyahay guddigan ee amniga garoonka, iyadoo lagu gorfeynayay doorka ay hay’ad waliba ku leedahay sugidda amniga guud ee garoonka iyo hagaajinta hannaanka hawlgalka garoonka diyaaradaha ee Sayid Mohamed Abdulle Airport.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Saacid Cabdullaahi Macalin ayaa adkeeyay in amniga garoonku yahay tiir muhiim ah oo ay ku tiirsan tahay horumarka duulista hawada, dhaqaalaha Dowladda Jubbaland.
+10