
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Jubbaland oo ay weheliso Wakaaladda Biyaha ayaa safar shaqo, aqoon kororsi iyo is-weydaarsi (Exchange Program) ku tagay magaalada Mombasa ee dalka Kenya, kadib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen Wakaaladda Biyaha ee Coastal Water Works Development Agency (CWWDA). Hay’addan ayaa maamusha adeegyada biyaha lixda gobol ee xeebaha dalka Kenya oo kala ah: Mombasa, Kwale, Kilifi, Lamu, Tana River iyo Taita Taveta.
Wafdiga Jubbaland ee safarka ku tegay Mombasa ayaa ka koobnaa Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha H.E. Ahmed H. Baraki, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Petrolka ahna sii hayaha Wasaaradda H.E. Mohamed Dekow Hussein, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Jubaland H.E. Mohamed Nunow, Maareeye ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha H.E. Osman Nur Bastoolo, iyo Madaxa Mashruuca Groundwater H.E. Abdinasir Elmoge.
Kulanka iyo booqashada shaqo ee wafdiga ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo is-weydaarsiga khibradaha farsamo ee dhinaca maamulka khayraadka biyaha, loona kordhin lahaa waaya-aragnimada maamulka iyo adeegyada biyaha ee Jubaland.
Safarkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Dowladda Jubaland, maadaama uu horseedayo in la helo fursado cusub oo horumarineed, hirgelinta nidaamyo casri ah oo lagu maarayn karo khayraadka biyaha, iyo dhisidda xiriir joogto ah oo wax-ku-ool ah oo lala yeesho hay’adaha maamulka biyaha ee gobolka.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






