Wasiirka Qorshaynta dowladda Jubaland oo Dhoobley ka furay Shir Wada-tashi ku saabsan Qorshaha Horumarinta 2025–2029

0
270
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiraxman Cabdi Axmed, ayaa magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ka furay shir wada-tashi ah oo ku saabsan Qorshaha Horumarinta Jubaland ee shanta sano ee soo socota (2025–2029).
Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka ah ee Jubaland, maamulka degmada Dhoobley, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.
Wasiirka oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa xusay in Dowladda Jubaland ay muhiimad gaar ah siinayso ka qayb-qaadashada bulshada, si qorshaha horumarineed uu uga tarjumayo codka shacabka, baahiyahooda iyo rajadooda mustaqbalka.
Ujeeddada shirka ayaa ahayd in bulshada reer Dhoobley looga talo geliyo qorsheynta iyo horumarinta mustaqbalka, iyadoo la xaqiijinayo in aragtida bulshada deegaanka ay qayb muhiim ah ka noqoto Qorshaha Jubaland ee 2025–2029.