
Xildhibaan Hon. Xasan Cabdi (Xasan Yare), oo hawlo shaqo u jooga dalka Mareykanka, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Washington D.C.
Xildhibaanka waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka, Mudane Daahir Carab, iyo dhammaan shaqaalaha safaaradda.
Intii uu joogay safaaradda, Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil wuxuu ku bogaadiyay shaqada adag iyo dedaalka joogtada ah ee safaaraddu u hayso dalka iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Danjire Daahir Carab iyo shaqaalaha kale ee safaaradda.
Booqashadan ayaa qayb ka ah hawlaha shaqo ee Xildhibaanku ku joogo gudaha Mareykanka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo hormarinta danaha qaranka.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







