Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland JISA oo Howlgal Ka Dhan ah Argagixisada Ka Fuliyey Deegaano Waqooyi Galbeed Kismaayo

0
400
Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubaland JISA ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal ka dhan ah Argagixisada ka fuliyay deegaano dhaca dhanka waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo.
Tuulooyinkan oo ah kuwo yar-yar oo dad reer miyi ah ay degenyihiin ayaa la tuhunsanyahay in xiliyada qaar ay si dhuumasho ah kuso galaan xubno ka tirsan Argagixisada kuwaas oo qorsheeyay in ay gaystaan falal amniga lid ku ah, balse dadka deegaanka ayaa Hay’adaha amniga si hoose ula soo wadaagay xogta dhagarqabayaasha, taaso ugu dambeen suuragalisay in uu dhaco howlgal qorsheysan.