Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga ee Gobolka Gedo oo Digniin u Diray Kooxda Xasan Sheekh Maxamuud ee Qalalaasaha wada

0
465
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Gedo ee Dowladda Jubbaland Cusmaan Nuux Xaaji Macalimoow, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay xaaladda gobolka Gedo, isaga oo digniin adag u diray kooxda Xasan Sheekh Maxamuud ee gobolka ka hurinaya qalalaaso iyo dhibaatooyin ka dhan ah nabadda gobolka.
Waxaa uu sheegay in shacabka gobolka aysan aqbali doonin wax kasta oo lid ku ah nabadda, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan cid kasta oo isku dayda in ay fowdo iyo kala dambeyn la’aan ka abuurto gobolka.
Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay joojiso faragelinta ay ku hayso gobolka Gedo, isla markaana ay ixtiraamto maamulka iyo nidaamka ka jira halkaasi ee Dowladda Jubbaland.

kampung bet