Dhageyso:”Madaxwaynaha Jubbaland waxaan ugu baaqayaa inuu ciidanka Fasaxo sidii Raaskaanbooni aad u soo afjartay Madaxwayne Gado uso afjara”

0
331

Xildhibaan Xasan Yare oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuna matala Dowladda Jubbaland, oo ka hadlayay kulanka wadatashiga iyo taageerada Dowladda Jubbaland ee lagu qabtay magaalada Kismaayo, xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay xildhibaanku in la joogo waqtigii la difaaci lahaa nidaamka iyo dowladnimada shacabka Jubbaland, isagoo ku eedeeyay kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay wadaan qorshe dumin ah oo lagu burburinayo maamulka Jubbaland, isla markaana ay markan duulaan kusoo qaadeen gobolka Gedo oo qeyb ka ah Jubbaland.

Xildhibaan Xasan Yare ayaa Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam  ugu baaqay in uu qaado tallaabo cad oo lagu difaacayo maamulka iyo shacabka, isagoo xusay in shacabka Jubbaland ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan cid kasta oo dhibaato u horseedaysa.

Sidoo kale, wuxuu ka codsaday Madaxweynaha in la fasaxo ciidamada Jubbaland si ay gacan buuxda ugu qabtaan gobolka Gedo, kana difaacaan cadow kasta oo isku daya inuu carqaladeeyo amniga iyo jiritaanka dowladnimada Jubbaland.

Xildhibaanku wuxuu ku nuux-nuuxsaday in shacabka Jubbaland aysan aqbali doonin faragelin iyo burburin, balse ay ka go’an tahay inay ilaashadaan nabadda, midnimada iyo dowladnimadooda.