Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada Jubaland oo kulan la yeeshay maamulka degmada Dhoobley.

0
281

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubaland, Mudane Cabdullaahi Cabdikadir Aadan, ayaa kulan is-xogwaraysi ah la yeeshay hay’adaha ka howl-gala degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qayb galeen maamulka degmada iyo masuuliyiin heer gobol ah, ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu qiimeeyo waxqabadka hay’adaha iyo sida ay bulshada deegaanka ugu adeegayaan. Waxaa si gaar ah diiradda lagu saaray wadaagista xogta, daba-galka shaqooyinka socda iyo sidii baahiyaha jira loogu waafajin lahaa qorshayaasha shaqo ee wasaaradaha.

Kulanka waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha degmada Dhoobley iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubaland.

Ugu dambayn, masuuliyiinta iyo hay’adihii ka qayb galay kulanka ayaa isku raacay in bulshada si wadajir ah loogu adeego, iyadoo wasaaraduhu hoggaan u noqon doonaan jihaynta iyo hannaanka shaqooyinka la fulinayo.