Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fadaraalka iyo Dib u Heshiisiinta dowladda Jubbaland oo Kismaayo Ku qabatey kullan daaranaa Baahiyaha Bulshada ee Mudnaanta Leh

0
342
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fadaraalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Jubbaland ayaa  magaalada Kismaayo ku qabatay munaasabad si rasmi ah loogu soo bandhigayay, looguna ansixinayay baahiyaha mudnaanta u leh bulshada ee laga ururiyay xaafadaha magaalada Kismaayo iyo deegaannada hoos yimaada.
Baahiyahan oo lagu soo uruuriyay wadashaqeyn dhexmartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladda Hoose ee degmada Kismaayo, ayaa lagu salaynayay daraasaad laga sameeyay goobaha ay bulshada u badan tahay, si loo ogaado adeegyada aasaasiga ah ee ugu baahida badan.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Farwayne), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Mudane Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.