
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa Maanta ufadhiisatay dhageysiga kiis dil ah oo uu eedeysane ka yahay Maanbile Cali Faarax oo ku eedeysan in uu dil bareer ah uu ugeystay Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Cabdi oo kamid ah darawalada ku shaqeysta Gaadiidka Dadweynaha ee iskaga kala gudba Xaafadaha Magaalada Kismaayo.
Fadhiga Maxkamada ayaa Waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Maxkamada labadiisa Kuxigeen, Xeer ilaaliyaaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Qareenka Difaacaya eedeysanaha, Baarayaasha Kiiska, Ehelada labada dhinac, Marxuumka iyo Eedeysanaha.
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim ayaa furay Fadhiga Maxkamada asagoo Faah-faahin ka bixiyay Kiiska ay Maanta Maxkamada ufadhido.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxkamada ufaah-faahiyay Qodobada Xafiiska Xeer ilaalinta kusoo eedeeyay Maanbile Cali Faarax oo ku eedeysan dil uu ugeystay Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Cabdi oo kamid ah darawalada ku shaqeysta Gaadiidka Dadweynaha ee iskaga kala gudba Xaafadaha Magaalada Kismaayo.
Dhanka kale Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim ayaa eedeysanaha weydiiyay waxa uu kaga jawaabaayo Qodobada uu Xafiiska Xeer ilaalinta kusoo oogay oo ah in dilka uu u dhacay si kutalagal ah balse eedeysanaha ayaa sheegay in dilka uu yahay mid kama ah.
Intaas kadib Qareenka difaacaya eedeysanaha Aaden Bahdoon Ibraahim ayaa Dhankiisa Maxkamada ka sheegay qodobada uu ku difaacayo eedeysanaha Waxa uuna ka dhawaajiyay in kiiska dilka ah uu yahay mid kama ah oo aan kutalagal aheen sidaas darteed ayuu Maxkamada ka codsaday in ay laasho qodobada Xafiiska Xeer ilaalinta ay ku soo oogeen eedeysane Maanbile Cali Faarax.
Ugu dambayn Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim soo xiray Fadhiga Maxkamada asagoo xusay in Maxkamada ay dib kasoo sheegi doono fadhiga xiga xiliga la qabanaayo.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







